Maamulka Degmada Bardaale ee Gobalka Baay oo dalbaday in Ciidamo Boolis ah lageeyo degmadaasi

Saalax Axmed Shiikh guddoomiyaha degmada Bardaale ee gobalka Baay oo wareysi siiyay Idaacadda Kulmiye ayaa sheegay in ay wadaan qorshe ay ku sugayaan amaanka degmadaasi.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in qorshahooda dhinaca amniga ay dhabar jab ku tahay Ciidamo Booliis ah oo aysan heysan, waxayna maamulka K/Galbeed ka dalbadayn in la siiyo Ciidan Booliis ah oo ka qeyb qaata amaanka degmadaasi.

Guddoomiye Saalax ayaa sheegay in madaxda K/Galbeed ay ka dalbadayn in la soo diro Ciidan Booliis ah ama loo tababaro dhalinyo deegaanka ah si loo helo xal dhab ah oo dhinaca amaanka.

Bardaale oo ku taala gobalka Baay, hada kama taagna caqabado dhinaca amaanka ah, waxayna ka mid tahay degmooyinka aysan ka dhicin dilalka iyo weerarada Shabaab inkastoo aysan dadka deegaanka muhiim u tahay in ay helaan Ciidan Booliis ah

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.