Xildhibaan Maxamed Nuur Shanbara oo ka soo qeybgalay shirweynaha shanta Shanbara”Sawiro”

shambar

Qaar ka mid ah qurba joogta Soomaaliyeed ee ka soo jeeda Jubbada Hoose iyo Jubbada Dhexe ayaa shir ay kaga tashanayaan sidii ay dalkooda maalgashi iyo dib u noqosho ugu samaysan lahayeen ku yeeshay magaalada Columbus Ohio ee dalka Mareykanka.

Waxgarad ka kala yimid goboladda Mareykanka ayaa qeyb ka ahaa shirkan waxaana lagu marti qaaday oo dalka Soomaaliya uga yimid Xildhibaan ka tirsan xildhibaanada qaranka Soomaaliyeed, Xildhibaan Maxamed Nuur Shanbara.

Dadkii soo abaabulay kulanan waxa ay xanbaarsanaayeen fariin ku aadan madaxda qaranka iyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaan oo ay ka codsanayaan in dadka Baantuugu ay dhulkooda ka qaxeen isla markaana ka midnoqodeen dadkii ay dagaaladu saameeyeen xiligana ay u diyaarsanyihiin in ay qayb ka noqdaan isbadalka Soomaaliya.

Waxay codaseen in si muuqata looga qeybgaliyo hanaanka dowladnimada Soomaaliya iyaga oo xusay in ay qeybka yihiin xiligan balse ay dhaliilayaan wali oo ay u arkaan in halkii ay filayeen aan la dhigin.

Xildhibaan Maxamed Nuur Shanbara oo ka mid ah xildhibaanada laga soo xulay Kismaayo iyo Jubbada Hoose ayaa ka soo qeybgalayaasha iyo agaasimkii shirkan ku amaanay sida ay uga go’antahay in ay dalkoodii wax ka qabsadaan, waxa uuna uga warbixiyay halka ay maanta Soomaaliya marayso iyo in wali la baxnaaninayo dowladnimada oo meel fog laga yimid.

Waxa uu xildhibaanku xusay in ay jirto cabasho ka imaanaysa dadka ka soo jeeda Jubbooyinka gaar ahaan dadkii Beeralayda ahaa oo dhulkoodii dhibaatadu saamaysay waxa uu amaanay in maamulka Jubbaland ay wax un ka qabteen xaaladihii jiray walina ay wax badan dhimanyihiin isaga oo gudbin doona fariimaha ay fareen.

Qurbajoogtii shirkan joogtay ayuu ka codsaday in ay dalkii yimaadaan oo ay indhahooda wax ku soo arkaan isla markaana ay dalka Maalgashi iyo dib u noqosho ku samaystaan.

Salaadiin,Nabadoono, Gudoomiyayaal iyo qeybokale oo baddan kana tirsan bulshadan ayaa ka hadlay meesha waxayna ka sinaayeen in ay helaan door muuqda oo ay ku yeeshaan siyaasada Dalka.

Waxaa soo badanaya qurba joogta dib ugu laabanaysa dalka isla markana qeyb ka noqonaysa dib u dhiska iyo siyaasadda.
sh

shambar

shabara

shamba

sham

sham

shabara

shambar

shambar

shambar

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.