Shabaab oo Madaafiic ku weeraray Saldhig Ciidan

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Degmada Waajid ee Gobolka Bakool Ururka Al-Shabaab, gaar ahaan guutada Madaafiicda ayaa tiro madaafiic ah waxa ay ku garaaceen Saldhig ciidamada Itoobiya ay ku leeyihiin degmadaasi.

Weerarkaan madaafiicda ah ayaa wararka waxa ay sheegayaan xalay saqdii dhexe in lagu qaaday Saldhiga ciidamada Itoobiya Degmada Waajid, sida ay xaqiijiyeen dadka degaanka.

Madaafiicda qaar ayaa lagu soo waramayaa inay gudaha u galeen Saldhiga ciidamada Itoobiya ee Degmada Waajid, halkaasi oo suuragal ay tahay inuu ka dhashay khasaare.

Ilaa hadda lama oga khasaaraha dhimashada iyo midka dhaawaca ah ee ka dhashay madaafiicdaasi lagu weeraray Saldhiga ciidamada Itoobiya ee Degmada Waajid.

Ciidanka Itoobiya oo garab ka helaya kuwa Dowladda Federaalka iyo kuwa Koonfur Galbeed ayaa Howlgallo koox koox ah waxa ay ka wadaan Aagga ay u maleynayaan in laga soo tuuray Madaafiicda.

29-kii December Xoogag ka tirsan ururka Al-shabaab ayaa weerar Hoobiyeyaal loo adeegsaday waxa ay xilli habeen ah ku qaadeen mid ka mid ah saldhigyada Ciidanka Itoobiya ay ku leeyihiin degmada Xudur oo ka tirsan Gobolka Bakool.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.