Al-Shabaab oo markale madaafiic ku Garaacay Degmada Waajid ee Bakool.

Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa mar kale duqeeyay Saldhig ay Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya ay ku leeyihiin Degmada Waajid ee gobalka Bakool.

Goob joogayaal ayaa ii xaqiijiyay in tiro madaafiic ay ku soo dhacday Waajid Islamarkaana ay ku dhaceyn goobo ka agdhaw Saldhigga Ciidamada Itoobiya ee Waajid.

Ilaa hadda lama oga Khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca ka dhashay balse waa markii 2aad oo todobaad Gudihiisa ay Al-Shabaab duqeeyaan Gobalka Bakool.

Maalmo ka hor ayay sidaan oo kale u duqeeyeen Saldhigyo ku yaala degmada Xudur ee Xarunta Gobalka Bakool

Sidoo kale maalin ka hor ayaa Al-Shabaab madaafiic ku garaaceyn Magaalada Diinsoor ee Gobalka Baay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.