Dowlada Soomaaliya oo sheegtay in Sanadkan 2018-ka ay wado qorsho lagu hagaajinayo Nidaamka Doorashada iyo Shuruucda Xisbiyada ka jira Dalka.

Eng, C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya  oo la hadlay SONNA ayaa sheegay in Xukuumadda Soomaaliya sanadka cusub ee 2018-ka qorsheyneyso iney ku talaabsato Horumaro la taaban karo oo shacabka Soomaaliyeed ay u riyaaqi doonaan.

Wuxuu sheegay Wasiir Yariisow in sanadka 2018-ka u qorsheysan tahay Dowladda Soomaaliya hirgelinta nidaamka doorashooyinka sida shuruucda, xisbiyada, doorashooyinka dawladaha hoose, dib u eegista dastuurka iyo dhammaan arrimaha hagaya in doorashooyin hal cod iyo hal qof ay dhacaan 2020ka.

Wasiirka Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska oo hadalkiisa sii wata ayaa Yiri” Soomaaliya waa socotaa ee qof walba waa inuu horumarka jira sii xoojiyo si aan u wada gaarno doorashooyin shacabku doortaan Madaxdooda,”

C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow ayaa sheegay in Xukuumadda ay ku tallaabsatay horumar ballaaran Sanadkii dhamaaday ee 2017, iyadoo caqabadihii jireyna lagu xaliyey si Soomaalinimo iyo nidaamka dowliga ah

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.