Daawo: Kulankii Dhexmaray R/wasaare Khayre iyo Cabdi qeybdiid

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre iyo xildhibaanada dowlada Soomaliya ayaa maanta hoyga uu ka degan yahay magaalada Muqdisho ku booqday Cabdi Xasan Cawaale.

Ujeedka booqashada Ra’iisul Wasaaraha ayaa la xiriirtay in uu la qeybsado dareenka ka dhashey falkii lagu weeraray gurigiisa Mudane Cabdi Qeybdiid, Ra’iisul Wasaaraha ayaa u muujiyay Senator Cabdi Qeybdiid in Dowladda Soomaaliya ay ka xuntahay falkaasi weerarka ah,islamarkaana ay Dowladdu ka jawaabi doonto.

Waxaa falkaasi loo xirey ilaa 41 askari iyo saraakiil,kuwaasi oo loo haysto in ay ku lug leeyihiin weerarkaasi,waxaana ku socda baaritaano.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.