Shirka Guddoonka Golayaasha Sharcidejinta oo Baydhabo lagu soo xiray

Shirka Guddoonka Golayaasha Sharcidajinta ee Dalka oo maalmihii la soo dhaafay ka socday Magaalada Baydhabo ayaa la soo gabagabeeyay.

Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galay guddoonka golaha shacabka iyo guddoomiyeyaasha baarlamaanada dowlad goboleedyada dalka.

Shirkaan ayaa waxaa shir guddooninayaayay intii u socday Gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Qodobada muhiimka ee shirkan loogu hadlay ayaa waxaa ka mid ah xoojinta xiriirka wada shaqeyn ee labada guddoon.

Sidoo kale shirka waxaa loogu hadlay sidii loo joogteyn lahaa wada shaqeyn iyo iska warqab dhex mara Xildhibaanada baarlamaanka federaalka Soomaaliya iyo Xildhibaanada baarlamaanada dowlad goboleedyada dalka.

Guddoomiyaha baarlamaanka dowlad goboleedka koofur galbeed Soomaaliya C/qaadir Shariif Sheekhunaa Maye ayaa warbaahinta u aqriyay war murtiyeedkii shirka ka soo baxay.

Shirkaan Baydhabo lagu soo gabagabeeyay ayaa ah Shirkii ugu horeeyay ee noociisa ay isugu yimaadaan Gudoonka Golaha Shacabka iyo Gudoomiyayaasha Barlamaanada dowlad Goboledyada dalka ka jira

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.