Al-Shabaab oo Weeraray degaano ka mid ah Kenya

Warbaahinta dowladda Kenya ayaa baahisay in Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen degaanka IJara oo ka mid ah degaanada dalka Kenya ee ku yaalla gobolka Waqooyi Bari.

Dabley Hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa beegsaday labo Saldhig, waxaana la sheegay in ay gubeen Saldhigyadda sidoo kalena ay burburiyeen Anteenada Shirkadda Safaricom.

Waxaa la sheegay in sidoo kale ay soo qaateen Gaari ka mid ah kuwa raaxadda.

Ma jiraan wax khasaare Nafeed ah oo ka dhashay Weerarkaasi.

Sarkaal Sare oo ka mid ah Ciidamada Booliska ayaa sheegay in ciidamada Ammaanka ay ka maqnaayeen Xilligii uu weerarku dhacayay.

Waxaa uu xusay in ay si weyn u baadigoobayaan Dableydii Weerarka geystay.

Cabsi weyn ayaa ka jirta degaanka Ijara, waxaana dowladda Kenya ay sheegtay in ay geystay Ciidamo badan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.