SAWIRRO: Wasiir Beyle oo saxiixay 2.7 $

Cabdiraxman Ducaale Beyle Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka ayaa maanta ku dhawaaqay in uu Saxiixay heshiiska lacag gaaraysa Labo Milyan iyo Todobo Boqol oo Kun oo Dollar ($2.7m) oo loogu tala galay in wax looga qabto Abaaraha ka dhaca Soomaaliya.

Hay’adda NRC oo kaashanaya Bangiga Aduunka ayaa lacagtaasi bixin doonta sidda ay sheegeen Mas’uuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda.

Wasiirka Maaliyadda mudane Cabdirixmaan Ducaale Beyle waxaa uu faah faahin ka bixiyay meelaha muddan in wax looga qabto,wuxuuna si gaar ah u tilmamaay in Degaanada Maamul-goboleedyada dalka ka jira wax loogu qaban doono,maadaama ay ka jiraan baahiyo badan.

Madaxa hey,adda N.R.C Barnabaa Asarg ayaa uga mahadceliyay Wasaradda Maaliyadda Dowladda Soomaaliya, nidaamka wada shaqeyneed ee dhexmaray labada dhinac.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.