Qabasho Aan Lagu Qasaarin W/Q Naftaada Nabadda Bar

Ugu horayn waxaan u Mahadcelinayaa #Alle (SWC) oo natusay jidka toosan ee nolosha u ah waxtarka, marka xigta Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed qaybahooda kala duwan, gaar ahaan ku qaybta 21.naad, Maamulka Dagmada Caabudwaaq iyo Beelaha walalaha ah ee ku dhamaystay #Qisaas in la waafajiyo Marxuun #Xasan_Raabi_Aadan oo horey 25,kii bishaan ugu dilay Walaalkiis #Galad_Maxamed_Siyaad degmada Caabudwaaq Allaha u wada Naxariisto.

Waxaan maqli jiray markay xaajo hagaagto iyadoo la dhaho RAG BAA U KACAY, hada Qoyska uu ka dhashay marxuunka maanta la qisaasay waaa xaqiiq inay yihiin HORSEEDKII NABADA waana la og yahay inaad galiyeen #Juhdi badan si loo qabto #Alle waa u sahlay oo waa isaga maanta Raacay ruuxdii uu horay u jaray.

Waxaa xaqiiqa ah in ragna raacdo dheer u galeen qabasho gacan ku dhiigle, ragna ay gabaad u yihiin #Qaatiliin kuwa gabaadka u ah qaarkood ee ku faana #qaatiliinta way joogeen madasha Qisaasta ay ka dhacday maanta, Qaarna waa xaqiiq inay arki doonaan Qoraalkan.

WAXAAN LEE YAHAY.

#Caabudwaaq maanta waxay u tahay maalin xusid mudan, waa maalin la bilaabay in qofkii ku dila xaqdaro shaqsi walaalkiis ah oo aan waxba ka qabin la marinyo mudankiiis, waa maalin mudan in la xasuusto, waa maalin u ah dhigaal uu dib u eego ama xasuusto dhagar qabe kasta oo gaystay dil bareer ah.

#FG. Ugu Dambayn Waxaan wada jir oga codsanayaa intii aragtay qoraalkan in aan si wadajir ugu duceyno 2.da Marxuun, in Alle naxariistiisa ka wada waraabsho

#DILAA_KASTA_HALA_DILO
Naftaada Nabadda Bar

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.