Amniga Gaalkacyo oo lagu wareejiyay Ciidamo

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi saakay ay howlgallo lagu xaqiijinaayo Ammaanka ay ka socdaan.

Ciidamada Xasilinta Amniga gobolka Mudug ayaa wadda inta badan Howlgallada,waxaana shalay ka dhacay Isku dhacyo.

Ciidamada Booliska ah ee Xasilinta Amnigax Mudug ayaa inta badan lagu wareejiyay Ammaanka Gaalkacyo.

Waxgaradka gobolka Mudug ayaa sidoo kale sheegay in ay muhiim tahay in gacanta lagu soo dhigo dadkii ka dambeeyay Shaqaaqadii shalay ka dhacday Suuqa Gaalkacyo.

Waxa ay sidoo kale tilmaameen in ay muhiim tahay in si weyn loo adkeeyay Heshiiskii ay wada gaareen maamulada Galmudug iyo Puntland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.