Kenya”Duqeyn maraykanka ka fuliyay Soomaaliya waxa ku dhaawacmay Muwaadiniin Kenya ah oo shabaab ka tirsan”

Warbaahinta Wadanka Kenya ayaa Baahiyay in Labo Muwaadin oo Kenyan ah ay ku dhaawacmeen Duqayn uu Mareeykanku Soomaaliya ka geeystay, kuwaas oo ay sheegeen in ay ahaayeen Rag ay laama Amaanka Kenya si dhow ula socdeen.

Maxamed Axmed faarax iyo Cabdullahib Waliif ayaa ka Badbaaday Duqayn uu Mareeykanku ka Geeystay  xarun ay Al-shabaab ku tababaraan Dagaalamayaashooda.

Wargeeyska the Nation ayaa shegay in ragas hadda Lagu Daweeynayo Xarun Caafimaad oo ay Al-shabaab leeyihiin, sida ku cad Qoraalo ay Ciidamadda Amaanka Kenya Wargeeyska la wadaagaan.

Khamiistii lasoo dhaafay ayaa Sidoo kale Diyaarado  dagaal oo dowladda Kenya ay leedahay , waxay Duqeeyeen Xarun Al-shabaab ay lahaayen waxay ku Dileen Labo dagaalame Halka Afar kalena ay ku dhaawacmeen, sidaas waxaa sheegay Daily nation

Al-shabaab aya Bilihii u Dambeeyay la kulmayay Cadaadis faro Badan oo uga Imaanayay Diyaaradaha Mareeykanka oo Sanadkaan Gudihiisa Dalka ka fuliyay Weerarro ka Badan oo Sida Mareeykanku sheegayna ay ku dhinteen Dagaalamayaaal Badan oo ka Tirsan Al-shabaab.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.