Al-Shabaab oo weeraray Ciidamo ku sugan Degmada Diinsoor ee gobalka Baay.

Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday Saldhigga ay Ciidamada Soomaaliya ku leeyihiin Degmada Diinsoor ee gobalka Baay.

Weerarkaan oo socday ku dhawaad 25 daqiiqo ayaa la sheegay in Al-Shabaab ay ku qaadeyn Saldhigga Ciidamada amaanka, waxana ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac sida ay ku soo waramayaan dadka deegaanka.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in ay arkeyn meydadka ugu yaraan Labo qof oo lagu sheegay in ay ahaayeen kuwii weerarka soo qaaday, halka ay sheegeen in ay jiraan khasaare kale oo soo gaaray dhinacii la soo weeraray.

Xaaladda ayaa saakay degan, waxaana wali magaalada ku sugan Ciidamada amaanka Soomaaliya oo markii hore halkaas ka talin jiray.

Al-Shabaab ayaa sheegtay in ay weerarkaasi ku dilayn Ciidamo ka tirsan Milatariga Soomaaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.