Guddiga Difaaca ee Golaha Shacabka oo maanta ka shiraya darbiga ay Kenya ka dhisayso Xadduuda gobalka Gedo.

baladxaawo

Guddiga difaaca ee Baarlamaanka Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa maanta kulan deg deg ah ka yeelanaya wararka sheegaya in Dowladda Kenya ay darbi ka dhisayso Xadduudda ay Soomaaliya iyo Kenya ka wadagaan Degmada Belad-xaawo ee gobalka Gedo.

Guddiga ayaa ku shiri doona Xarunta Guddiyada ee Villa Hargeysa oo ku dhax-aala Madaxtooyada Soomaaliya sida ay noo sheegeyn Xildhibaano ka tirsan Guddigaasi waxaana la filayaa in ay war ka soo saaraan Shirkooda.

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa dadka Shacabka ah ee degmada Belad-Xaawo, waxa ay walaac ka muujinaayay Xaaladda degmadaasi, Maadaama Gudaha degmada ay dowladda Kenya ay waddo burburin.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.