Shir looga soo hor jeedo Dowladda Soomaaliya oo ka socda Imaaraadka Carabta.

Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Shiikh Aadan iyo Ra’iisal Wasaarihii hore ee Dalka Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke iyo waliba Xildhibaano kale oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa la sheegay in kulan looga soo hor jeedo Dowladda Soomaaliya ay ku leeyihiin magaalada Abuu Dubai ee Dalka Isu-tagga Imaraadka Carabta.

Wararka ay heshay Idaacadda Kulmiye ayaa sheegaya in kulankaan uu soo bilaawday Shalay oo jimca ilaa xalayna uu socday waxaana tirada Xildhibaanada lagu sheegay in ka badan 10 Xildhibaan iyo Madaxweyne Shariif Xasan Shiikh Aadan sidoo kale Kulanka ayaa waxaa ku wehliye Siyaasin xilal ka soo qabtay Dowladihii soo maray Soomaaliya.

Waxyaabaha laga hadlayo ayaa waxaa ka mid ah Khaladaad la sheegay in Dowladda ay gashay, si gaar ah waxa looga hadlaaya Weerarkii lagu qaaday Guriga C/raxmaan C/shakuur iyo qaabka ay u socoto qaabka maxkamadeyntiisa, waxybaaha kale ee laga hadlayo ayaa la sheegay in ay ka mid ah sidii ay siyaasiinta mucaaradka ay dhisan lahaayeen Istiraajiyad ay ku mideysan yihiin oo ay kaga hor tagayaan khaladaad ay sheegeyn ay geysaneyso Dowladda Soomaaliya

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.