Madaxweyne Soomaliya oo amray in la baaro Ciddii ka dambeysay weerarkii lagu qaaday Guriga Cabdi Qeybdiid

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo madaxweynaha Soomaaliya ayaa amray taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Cabduweli Jaamac Gorod in baaritaan lagu sameeyo cidii ka dambeysay amarka lagu galay laguna baaray hoyga Senoter Cabdi Qeybdiid uu ka degan yahay degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

Xafiiska Warfaafinta ee madaxweynaha ayaa xaqiijiyay in madaxweynuhu uu amar ku bixiyay in cadaalada la horkeeno cida amartay Ciidamadii weeraray Guriga qaybdiid, Ciidamada Guriga galay ayaa la sheegay in ay ka tirsanaayeen Ciidamada Milteriga ah oo ay tababartay dowladda Imaaraadka Carabta.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.