Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa maanta kormeer ku tagay xarunta Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya

Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa maanta kormeer ku tagay xarunta Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya halkaasi oo uu kula kulmay madaxda Wasaaradda oo ugu horeeyo Wasiirka Maaliyadda Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle.

Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa uujeedka kormeerkiisu wuxuu ahaa u kuur gelida howlaha shaqo ee ka socda Wasaaradda Maaliyadda iyo siday u shaqeynayaan shaqaalaha Wasaaraddaasi.
Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay inta uu kormeerkiisa ku guda jiray in Xukuumadiisu xoogga saareyso isla xisaabtanka iyo daah furnaanta.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.