Maqal iyo Muuqaal:Geesi Maxamed Cabdi yuusuf oo ku dhiiraday Hadalkii Dhihi waayeen Madaxda jubbaland, hambalyna udiray shacabka Baladxaawo

cabdiyuusf

Maalmihii la soo dhaafay waxaa degmada Balad Xaawo ee gobolka Gedo ka taagnaa xiisad u dhaxeysay Ciidamada Kenya iyo Shacabka ku nool degmadaas taas oo ka dhalatay kadib markii dowladda Kenya ay iskudayday in ay dhul balaarsi smaeyso lakiin taas uma suuroobin shacabka Degmada baladxaawo ayaa kala horyimid dhagax iyo tuuryo.

Xiisadaas ayaa sidoo kale sababtay qeylo dhaanta badi bulshada Soomaliyeed iyo Siyaasiyiinta qaar ka mid ah sida Xildhibaan hore Maxamed Cabdi yuusuf wuxuuna sheegay Kenya inay Baladxaawo soo galaan oo dhulka soomaliyeed boobaan lakiin shacabkii soomaliyeed baa kala hortay qaylo iyo dhagax meesha maamulka Jubbland ka gaabsadeen, waxaa kaloo sheegay Maxamed Cabdi Yuusuf inuu hambalyo udiraaya shacabka Baladxaawo oo markii labaad dagaal kala hortay boobka Kenya.

Waxaa guud ahaan ka amaausay oo aan ka dhiihdin dhibka kenya ku hayso shacabka Baladxaawo ee Gobolka Gedo xildhibanada heer federal iyo mid maamul goboleed ee laga soo doortay Gobolka Gedo ayakoo dhamantoon ka aamusay dulaanka kenya ku hayso dhulka Soomaliyeed.


Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.