Madaxweynaha Soomaaliya oo cafis u fidiyey Alshababka madaama Laga Sifaynayo Dalka

far

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa sheegay in dowladda ay wado dadaaladii ugu dambeeyey ee dalka looga xoreynayo Kooxda Alshabaab, waxaana uu baaq u diray dhalinyarada iyo horjoogeyaasha Kooxdaasi wali kamidka ah.

Madaxweynaha ayaa sheegay in mar kale Dowladda ay cafis u fidineyso haddii ay isa soo dhiibaan Horjoogeyaasha iyo Maleeshiyaadka Kooxda Alshabaab u dagaalanta , islamarkaana la wanaajin doono, loona abuuri doono Nolol wanaagsan, arrintaas ayuuna ku tilmaamay inay tahay wadada kaliya ee u furan, isaggoo ugu baaqay inay ka tanaasulaan fikirka Xagjirka ah, ayna qeyb ka noqdaan Nabadda iyo Horumarka Dalka Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale Madaxweynaha uu sheegay in Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed ay ka go’an tahay dagaalka argagixisada iyo siddii loo soo afjari lahaa, waxaana uu xusay in la joogo waqtigii Nabad diidka Alshabaab laga takhalusi lahaa.

Xigasho Warbaahinta Qaranka

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.