Xaflad lagu daah furayo Xarunta laga Maamulayo Hawada Soomaaliya oo maanta lagu wado in ay ka dhacdo Muqdisho.

Diyaar garowgii u dambeeyay oo lagu Daah furayo Xafladda la wareegidda Maamulka Hawada Soomaaliya wax ka badan 27 sano kadib ayaa saakay ka socota magaalada Muqdisho.

Xafladaan ayaa lagu wadaa in uu ka qeyb galo Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxda Dalka,sidoo kale waxaa lagu wadaa in ay ka qeyb wakiilada Beesha Caalamka ee ku sugan magaalada Muqdisho.

Maalmo ka hor ayaa la soo bandhigay muuqaalo muujinaya in ay Soomaaliya lagu rakibay Qalabkii laga Maamuli lahaa Hawada Soomaaliya waxaana soo bandhigay Wasaaradda Gaadiidka Cirka iyo Mas’uuliyiinta Hay’adda Duulista Hawada Soomaaliya.

Qalabkan lagula socon doono maamulka hawada ayaa lagu rakibay xarunta Hey’adda Duulista iyo Saadaasha Hawada, iyadoo dad loo tababarayo inay ku shaqeeyaan qalabkan.

Munaasabadda lagu daah furayo maamulka hawada ayaa Maanta oo khamiis ah ka dhici doonta magaalada Muqdisho, iyadoo munaasabadda ay ka qeyb geli doonaan Masuuliyiin uu Hogaaminayo Madaxweyne Maxamed C/llaahi Maxamed Farmaajo

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.