Madaxweynaha Hirshabeelle”Culees badan ayay nagu haayaan Shabaab ka soo cararay duqeymaha Cirka oo soo gaaray Hirshabeelle”

Isagoo ka hadlayay magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa waxa sheegay in maamulkiisa uu culees badan kala kulmayo Dagaalamayaal tira badan oo Shabaab ah kuwaas oo soo gaaray deegaanada Maamulka Hirshabeelle.

Madaxweyne Waare ayaa sheegay in Shabaabka ay ku soo xoogeesteyn Al-Shabaab ee deeganadooda kadib markii ay ka soo cararayn Duqeyma ka socda Shabeelaha Hoose Jubbooyinka iyo Baay iyo Bakool, waxa uuna Madaxda Dowladda ka dalbaday in laga taageero dhinaca amniga.

Madaxweyne Waare ayaa sheegay sida ay xogta ku heleen qaar ka mid ah Shabaabka soo gaaray deegaanada Hirshabeelle in ay ku sii socdaan Gobollo dhinaca Waqooyiga kaga beegan maamulkiisa oo ay ugu horeyso Puntland.

Waare ayaa sheegay in loo baahan yahay Iskaashi iyo wadajir si looga adkaado Dagaalamayaasha Al-Shabaab, waxa uuna sheegay in ay sii dabar go’ayaan Dagaalamayaasha Al-Shabaab

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.