Gaari looga shakiyay in ay Qaraxyo ku rarnaayeen oo lagu duqeeyay duleedka M/Muqdisho.

Wararka laga helayo Gobalka Shabeelaha Hoose ayaa soo sheegaya in xalay Diyaarado dagaal ay duqeeyeen Gaari ku soo socday magaalada Muqdisho,waxa ayna saraakiisha amaanka ay sheegayaan in ay qaraxyo ku rarnaayeen.

Qaar ka mid ah Saraakiisha Shabeelaha Hoose iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Shabeelaha Hoose sheegay in Diyaarado dagaal ay duqeeyeen Gaari nuuca raaxada ah oo ku soo socday magaalada Muqdisho,waxaana lagu duqeeyay Inta u dhaxeysa deegaanada Cabdow dibile iyo Xaawa Cabdi.

Duqeynta ayaa si gaar ah uga dhacday Tuulada loo yaqaano mara-cadde oo ku taala deexda deegaanada aan soo sheegnay, Deegaankaasi ayaa waxaa maamula Dagaalamayaasha Al-Shabaab waxaana ilaa hadda la ogayn inta uu la egyahay Khasaaraha ka dhashay duqeyntaasi.

Mas’uuliyiinta Shabeelaha Hoose ayaa sheegay in ay faah faahin dheeraad ah ka bixin doonaan Gaariga la duqeeyay oo ay sheegeen in uu siday Qaraxyo la doonayay in lagu weeraro Magaalada Muqdisho

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.