Wafdi uu hogaaminayo Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo Maanta ku wajahan Gobalka Sool.

Maanta oo khamiis ah  ayaa la filayaa in deegaandii lagu dagaalamay ee ka tirsan gobalka sool  uu u ambabaxo Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdi Xakiin Xaaji Cumar Cameey,isaga oo la kulmi doona qeybaha kala duwan ee Bulshada deegaanada uu dagaalka ka dhacay.

Madaxda Puntland ayaa Go’aamiyay in wefdi ka socda Maamulka Puntland loo diro deegaanada labadii Maalmood ee la soo dhaafay ay ku dagaalamayeen labada Maleeshiyo Beeleed ee deegaanada Qoriley iyo Gambar Cagaare  oo kawada tirsan  Gobolka Sool.

Ilo Wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa idaacaddda kulmiye u sheegay in wafdigan ay bixi doonaan Saacadaha soo aadan,iyagoona markii ay tagaan Degaanada lagu dagaalamay ay la kulmi doonaan odayaasha dhaqanka ee gobalka Sool oo dhawaan tagay gobalkaasi.

Maamulka Puntland ayaa waxaa uu dadaal badan ku bixinayaa sidii loo qaboojin lahaa colaada ka taagan degaano ka tirsan gobalka Sool,kaasi oo u dhexeeya Labo Maleeshiyo Beeleed,iyadoona Dhibaatada ugu badan ay soo gaartay dadka Shacabka ah ee ku nool gobalka Sool.

Amaanka guud ee Gobalka Sool ayaa aad loo adkeeyay waxaana xalay halkaasi la geeyay ciidamo badan oo ka tirsan puntland si ay u sugaan amaanka Madaxweyne ku xigeenka Puntland iyo Wafdiga la socda

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.