Jubbaland oo Madaxda Dalka ugu baaqday inay wax ka qabato darbiga ay kenya ka dhiseyso Soomaaliya.

Wasiirka Amniga jubbaland oo la hadlay warbaahinta   ayaa waxaa fahfaahin ka bixiyay  xiisada ka soo cusboonaatay  magaalada Beledxaawo ee gobolka Gedo, kadib markii darbiga Kenya ay ka dhiseyso xuduuda labada dal ee Soomaaliya iyo kenya.

hayeeshee  Dhacdadan ayaa si kulul waxaa ay u kicisay bulshada ku nool Magaalada Baled Xaawo, waxayna maalmihii la soo dhaafay dhigeen bannaanbaxyo rabshado wata, iyagoona gacmaha ula tagey Ciidanka Kenya.

Wasiirka Amniga Jubbaland oo gaaray Degmada Baled Xaawo, ayaa kula kulmay Maamulka Degmada iyo qaybaha bulshada, waxaana uu u sheegay inaanan Kenya looga aamusi doonin xadgudubkeeda ka dhanka ah dhulka Soomaaliya

Sikastaba ha ahaatee dowlada Kenya, ayaa horey u sheegtay in darbi weyn ay ka dhiseyso xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo kenya,inkastoo arintan ay ka hortimid dowlada federaalka Soomaaliya

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.