Nabadoon Xalay lagu dilay degmada walaweyn ee gobalka Shabeelaha hoose

Wararka laga helayo  degmada Walaweyn ee gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya in xalay saqdii dhexe halkaasi lagu dilay Nabadoon Caanka ahaa degmadaas,sida ay sheegeen dadka degaanka.

Dadka ku nool degmada Walaweyn ayaa  sheegen in Ciidamo watay Gawaarida dagaalka ay Nabadoonka Gurigiisa ugu tageen isla markaana ay halkaasi ku toogteen,iyadoona nabadoonka la dilay lagu  Magacaabi jiray Maxamed Cabdi jeelle.

Saraakiisha Amaanka ee Maamulka Gobalka Shabeelaha hoose ayaanu weli ka hadlin dhacdadan ka dhacday degmada walaweyn ee gobalkaasi.

Degmada Walaweyn ayaa waxaa ay ka mid tahay Meelaha inta badan ay dhacaan Dilal qorsheysan ee loo geysto dadka Rayid ee aan waxba galabsan

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.