Shirka Gudoonka golaha shacabka iyo kuwa Maamul Gobaleedyada oo lagu Soo gabagabeyn doono baydhabo,Warmurtiyeedna laga soo saari doono.

Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari  Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa maanta magalada Baydhabo ku soo gabagabeenaya Shirka Guddoonka Golaha Shacabka Soomaaliya iyo kuwa Maamul  Goboleedyadda ka jira dalka.

Shirkan oo maalintii talaadada ahayd ka furmay Magaaladda Baydhabo ee xarunta KMG,iyadoona shirkan looga hadlayay arimo badan oo ku saabsan hormarka golaha shacabka iyo baarlamaanada Maamul gobaleedyada.

Guddoomiye Jawaari  ayaa furitaanka shirka ka sheegay in shirarka noocaan ah lagu horumarin karo wada shaqeynta iyo Iskaashiga Dowlada dhexe iyo dowlad goboleedyada sidoo kale loo baahan yahay in dowlada goboleedyada laga qeyb geliyo sameynta shuruucda dalka.

Ugu dambeyntii Shirka ayaa maanta la filayaa in si wadajir ah looga soo saaro warmurtiyadeed ku saabsan  sidii wada shaqeyn u dhexmari lahayd Guddonka Golaha shacabka Dowladda dhexe iyo kuwa maamul Goboleedyada.

Wixii ku soo kordha la soco

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.