Sarkaal ka tirsan Ciidamada Puntland oo xalay lagu dilay Waqooyiga Gaalkacyo

Sarkaal ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Puntland ayaa xalay lagu dilay meel ku dhow gurigiisa oo ku yaalla waqooyiga Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.

Sarkaalkan oo lagu magacaabi jiray Qaaley Yuusuf Jiile ayaa Taliye ka ahaa Xero Inji oo ay saldhig ku leeyihiin Ciidamada Daraawiishta.

Kooxaha dableyda ee dilka geystay ayaa baxsaday, waxaana ciidamada ammaanka ay wadaan howl gallo lagu baadigoobayo kooxihii ka dambeeyay dilka.

Dilkan ayaa ku soo beegmay, iyadoo magaalada Gaalkacyo uu ku sugan yahay Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.