Al-Shabaab oo la Sheegay inay Go’doomiyeen Degaano ka tirsan Gobalka Gedo.

Deegaano dhowr ah oo kamid ah gobolka gedo ayaa la sheegayaa in ay go’doomiyeen Al-shabaab oo aan la isugu gudbi Karin, islamarkaana Ay adag tahay in dadka ku nool ay helaan Adeegyada muhiimka u ah nolosha.

Sidoo kale waxaana deegaanada ay shabaabka kala xereen ee go’doonsan kamid ah garbahaareey , baardheere iyo deegaano kale oo gedo ka tirsan.

Ugaas Maxamed Ugaas Xasan Wali oo ka mid ah odayaasha dhaqanka ee gobolka gedo ayaa idaacada kulmiye waxaa uu sheegay in dhibaato adag ay ka jirto deegaanada ay shabaabka go’doomiyeen oo noloshu ay tahay mid adag.

Ugaaska ayaa hadalkiisa intaasi ku daray in golaha deegaanka ee gobolka gedo oo la qorsheynayo in la dhiso aanan la dhisi Karin inta go’doonka ay ku jiraan deeganada ay shabaabku go’doomiyeen

Al-shabaab ayaa deegaano dhowr ah oo kamid ah gobolada dalka waxaa ay yihiin kuwo go’doomiyay oo aanan la isku gudbi Karin

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.