Madaxweynaha Soomaaliland oo ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo dagaal beleedka ka jira degaano ka tirsan gobalka Sool.

Muuse Biixi Cabdi  Madaxweynaha Maamulka Somaliland oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxaa uu si kulul uu ugu hadlay Dagaal beeleedyo ka taagan Deegaano katirsan Gobolka Sool.

Deegaanada Dirirta ka socoto ayuu ku sheegay in ay u dhaxeyso Soomaaliya, Itoobiya iyo Maamulka uu madaxweynaha ka yahay oo horay u sheegay in uu ka go’ay soomaaliya inteeda kale.

Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Somaliland  ayaa  waxa uu ku baaqay in la joojiyo colaada ka jirta degaano ka tirsan gobalka Sool,isagoona Sheegay inay wadaan qorhihii looga hort lahaa dagaal beeleedkaas.

 

Degaano ka tirsan gobalka Sool ayaa haatan Waxaa ku dagaalamaya labo Maleeshiyo beeleed,kaasi oo sababay khasaaro isugu jira Dhimasho iyo dhaawac

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.