Dhageysiga Dacwada loo heysto C/raxmaan C/shakuur oo saaka ka bilaabanaya Maxkamadda Racfaanka

Maxkamadda Racfaanka ee Gobolka Bnaaadir ayaa saaka dib u fureysa kiiskii ay soo afjartay Maxkamadda Gobolka Banaadir ee dacwadii loo heystay Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur warsame, iyadoo qaraarkii ay Maxkamadda gaartay uu Xafiiska Xeer Ilaalinta ka qaatay racfaan.

Wararka ayaa sheegaya in dhageysiga dacwada ay u dhaxeyn doonto kaliya Qareenada u doodaya C/raxmaan C/shakuur iyo Xafiiska Xeer ilaalinta, iyadoo dhageysiga iyo dooda dacwada ay noqon doonto mid xiran oo aan dadweynaha goobjoog ka noqon doonin.

Warar ay heleyso gedoTimes ayaa sheegaya in C/raxmaan C/shakuur aanu ku qasbanaan doonin inuu Maxkamadda tago, iyadoo qareenadiisa kaliya ay xaadir ku noqon doonaan, sida lagu wargeliyay qoraalkii ka soo baxay Maxkamadda Racfaanka.

Kiiska iyo dacwada loo heysto C/raxmaan C/shakuur ayaa horay u baabi’isay maxkamadda Gobolka Banaadir oo sheegtay in aan wax racfaan ah laga qaadan karin, maadaama weerarkii lagu qaaday gurigiisa iyo xariggii loo geystay uu ahaa mid aan ogolaansho Maxakmadeed loo wadan, sidaas darteed uu ahaa mid baal marsan sharciga.

Dhinaca kale Odayaal iyo waxgarad ay hoggaaminayeen Imaamka Beelaha Muddulood iyo Ugaaska ay u tageen Madaxweynaha, iyagoo kala hadlay kiiska C/raxmaan C/shakuur sidii loo dhameyn lahaa, isla markaana loo dhaqi lahaa dhibaatadii ka dhalatay dadkii lagu dilay weerarkii lagu qaaday Guriga C/raxmaan C/shakuur

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.