Soomaali sharciga lagala noqday

Dad tiradooda lagu qiyaasay dhowr Boqol oo qof oo Soomaali ah ayaa dhalashada lagala nqoday, kuwaasi oo ku nool dalka Norway, sida uu xaqiijiyay xildhibaan Baashe Maxamed Muuse oo ka tirsan Golaha Degaanka ee Oslo.

Dadkan oo isugu jira Haween, Rag iyo Caruur ayaa sharciga lagala noqday, inkastoo ay jiraan dadka qaar oo sanado Kumeel gaar ah la siiyay.

Xildhibaan Baashe Maxamed Muuse ayaa sheegay in hada ay xiran yihiin in ka badan 10 qof, oo sameeyay fal ah markii sharciga lagala noqday in ay magangelyo weydiisteen wadamo kale, kadibna loo soo diiday oo Norway dib loogu soo celiyay, sidaasina lagu xiray.

Dadkan ku xiran dalka Norway ayaa la qorsheynayaa in dhowaan lagu soo celiyo gudaha dalkooda hooyo ee Soomaaliya, waxaana xabsiga hada ay ku xiran yihiin uu yahay mid aanay ku habooneyn in lagu xiro dadka gaar ahaan caruurta.

Ururada Soomaalida, Ururada u dhaqdhaqaada arrimaha bani’aadanimada, iyo warbaahinta Soomaalida ee Norway ayaa falkan cambaareeyay, waxayna sheegeen muhiim in ay tahay dadkan in loola dhaqmo si wanaagsan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.