Golaha Wasiirada Hirshabeelle oo maanta codka Kalsoonida loo qaadayo.

Waxaa saakay lagu wadaa in magaalada Jowhar uu ka furmo Kulan deg deg oo muhiim ah kaas ay yeelan doonaan Baarlamaanka Hirshabeelle waxaana la horgeyn doonaa Golaha Wasiirada ee Madaxweyne Waare dhawaan soo dhisay.

Wararka laga helayo Jowhar ayaa sheegaya in uu socdo abaabulkii ugu dambeeyay ee Furitaanka Shirka waxaana lagu wadaa in ay Baarlamaanka Hirshabeelle ay codka u qaadaan Golaha Wasiirada, Xildhibaanada qaar ee aan la hadalnay ayaa shaagay in ay u badan tahay in la meel mariyo Wasiirada Cusub.

Golaha Wasiirada Hirshabeelle oo dhawaan la soo magacaabay ayaa waxaa ka dhashay muran badan, waxaana iska casilay Xilkii loo magacaabay 3 wasiir oo ka mid ahaa Xubnihii la magacaabay, Xildhibaanada qaar ayaa ka soo hor jeeda Wasiirada inkastoo ay ubadan tahay in Codka la siiyo kadib kulamo joogto ah oo habeenadii la soo dhaafay ka socday Jowhar.

Kulankaan oo aan ka mid ah Kalfdhiga Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa waxaa codsaday Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare, waxaana kalfadhiga Baarlamaanka Hirshabeelle uu furmi doonaa 5-ta Bisha 1-aad ee sanadka 2018

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.