Xaaladda Afgooye oo saakay degan, kadib dagaal xalay ka dhacay degmadaasi.

Xaaladda degmada Afgooye degan kadib weerar ay xalay ku soo qaadeyn dagaalamayaasha Al-Shabaab xaafad ka mid ah degmadaasi oo ay ku sugnaayeen Ciidamada Soomaaliya waxaana ka dhashay dhimasho iyo dhaawac.

Ugu yaraan 2 qof oo shacab ah ayaa ku dhintay waxaana sidoo kale ku dhaawacmay tiro intaas kabadan, Dagaalka ayaa ka dhacay Xaafadda Labada raqay oo ka mid ah meelaha ay dagan yihiin Ciidanka Dowladda.

Shabaabka weerarka soo qaaday, ayaa la sheegay inay wateen gaadiidka dadweynaha, waxaana u soorta gashay in ay muddo ka dhax dagaalamaan Gudaha xaafadda ay weerarka ku qaadeyn.

Todobaadkaan gudahiis waa markii 4 aad ay Al-Shabaab weerar ku qaadeyn Ciidamada Soomaaliya ee ku sugan ee degmadaasi, balse kan ayaa ah kii ugu cuslaa ee todobaadkaan ka dhaca degmadaasi

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.