Shacabka Liberia oo maanta u dareerayo wareegga labaad ee doorashada madaxtinimada Dalkaasi

Dadka reer Liberia waxa ay maanta markale u dareerayaan goobaha codbixinta si wareegga labaad ay ugu codeeyaan cidda noqonaysa madaxweynaha cusub ee waddankaasi.

In ka badan laba milyan oo qof ayaa isu diiwaangeliyay doorashadan ay ku loolamayaan madaxweyne ku xigeenka haatan Joseph Boaki iyo xiddigii hore ee kubadda cagta George Weah.

Labadan nin ayaa u ordaya sidii ay ku badeli lahaayeen madaxweynihii ugu horreeyay ee haween ah ee loo doorto dal Afrikaan ah.

Joseph Boakai waxa uu madaxweyne ku xigeenka dalkan soo ahaa 12-kii sanno ee la soo dhaafay hasayeeshee uma muuqdo inuu helay taageerada qofkii mudadaas ka sarreeyay.

73-jirkan ayaa sheegay in sanadahaas uusan adeegsan cududiisa iyo aqoontiisa siyaasadeed balse uu haatan diyaar u yahay inuu dalka ku hogaamiyo.

Ninka ay aadka isku hayaan waa George Weah xiddigii hore ee kubadda cagta, kaas oo rajaynaya in markan saddexaad uu nasiibka u hiilin doono.

51-jirkan ayaa 2005 waxa uu wareegga koobaad ka hormaray madaxweynaha haatan xilka sii banaynaysa ee Ellen Johnson-Sirleaf, taas oo wareeggii labaad ka adkaatayba.

Todobaad ka hor ma aanay jirin cid hubtay in maanta doorasho ay dhacayso, iyadoo doorashada maantana ay ahey in la qabto bilowgii bishii Nofeembar.

Doorashadan waxa ay noqonaysaa middii ugu horraysay ee jiilal badan oo Liberian ah ay goobjoog u noqdaan hogaamiyayaal la doortay oo xilka isku wareejinaya.

Saraakiisha doorashada ayaa sheegay in natiijada afar maalmood gudahood lagu dhawaaqi doono.

Xigasho BBC

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.