Koofur Galbeed “Al-Shabaab waan ka saareynaa Goobaha ay ka joogaan Deegaanadayna “

Saraakiisha amaanka maamulka Koofur Galbeed ayaa sheegay in ay wadaan qorshe ay deegaanada maamulkaasi kaga saarayaan Dagaalamayaasha Al-Shabaab oo ku sugan meelo badan oo ka mid ah Koofur Galbeed.

Afayeenka maamulka Koofur Galbeed ayaa warbaahinta u sheegay in la dejiyay qorshe cusub oo Al-Shabaab looga sifaynayo gobalka Islamarkaana ay qeyb weyn ka qaadanayaan Shiikh Mukhtaar Roobow Cali Abuu mansuur iyo Saraakiil kale oo dhawaan ka soo goostay Al-Shabaab kuwaas oo ku biiray Koofur Galbeed.

Magaalada Baydhabo ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa  tagayay Saraakiil ka soo goostay Al-Shabaab kuwaas oo ku soo biiray maamulka Koofur Galbeed, Abuu Mansuur ayaa wada dadaaladii ugu dambeeyay ee Al-Shabaab looga saarayo deegaanada maamulka K/Galbeed

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.