Goobo Ganacsi oo ku gubtay dab ka kacay magaalada Tog-Wajaale ee Soomaaliland

dab

Boqolaal meherado ah oo ku yaal magaalada Tog-Wajaale ee duleedka Gabiley ayaa u gubtay dab xalley goor dambe ka kacay bakhaaradaasi.

Ilaa hadda lama oga khasaaraha rasmiga ee dabka, Dabkan ayaa aad u xoog weynaa iyadoo ilaa imika lagu jiro daminta dabkaasi, Goobjoogayaal la hadlay Idaacada Kulmiye ayaa sheegaya in ay gubteen badi meheradii Ganacsi ee ku yaalay magaalada.

Magaalada oo laba daamood ah islamarkaana xudduudka Somaaliya iyo Itoobiya kala Qeybiya ku taalo waxaa gubtay dhinac Somaliland ay ka taliso.

Xooga dabka ayaa la sheegayaa in damintiisa looga gurmaday magaalooyinka Hargeysa iyo Boorama halkaasi oo gaadiidka Dabdamiska looga diray.

Wajaale waa magaalo ganacsiyeedka ugu balaarnaa Somaliland iyadoo inta badan ganacsatada deegaanadaasi ku nooli ay ku leeyihiin xarumo Ganacsi oo waa weyn

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.