Sargaal Xaday Saxiixa Madaxweynaha Puntland oo Garoowe lagu xiray

xabsi

Ciidamada Amaanka Puntland ayaa waxaa la sheegay in ay Xabsiga dhigeen Taliyaha laanta ilaalada cashuuraadka puntland Axmed Cabdi Sugulle,kaasi oo lagu eedeeyay inuu Isticmaalay Saxiixa Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdi Weli Maxamed Cali gaas.

Sargaalkan ayaa waxaa lagu  Xiray xabsi ku yaala Magaalada Garoowe,waxaana ku socota Baaris lagu sameeynayo Sida ay sheegeen hay’adaha Amaanka Maamulka puntland.

Axmed Cabdi Sugalle ayaa Waxaa la tilmaamay in saxiixa been abuurka ah ee Madaxweynaha Puntland uu ku qaatay Lacago fara badan.

Maamulka Puntland ayaa horay u sheegay inay la dagaalami doonaan Shaqsiyaadka ku kaca Wax isdaba marinta Ama Musuq-maasuqa

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.