Arday Kenyaan ah oo ku biiray Dagaalameyaasha Al-shabaab

Ugu yaraan 54 Arday ah oo ka tagay wax barashadoodii ayaa ku biiray Al-shabaab, Labadii Sano ee lasoo dhaafay sida ay shaaciyeen Booliiska Kenya.

44 Ardaydaas ka mid ah oo wax ka baranayay Jaamacaha Kenya ayaa Sanadkii 2016 kii ku Biiray Al-shabaab, Halka Sanadkaan 2017 kana ay ku Biireen 14 Arday.

Hoos u dhaca ku yimid Tiradda Ardayda ah ee Al-shabaab ku Biirijiray waxay booliisku ku sheegeen in Xeeladaha Argagixiso la dagaalanka ee Dowladda Kenya ay Sabab u tahay.

Wargeeyska The Standard soo soo xigaya Warbixin uu sheegin Cidda Soosaartay ayaaa Daabacay in Guusha ugu badan laga soo hooyay dadaaladda Dowladda Kenya ee Argagixiso la dagaalanka, kuwaas oo suurta galiyay in dad ka iyo laama Amaanka ay isku soo dhawaadaan islamarkaana Dadka rayid ka ah ay si iskood ah Xogta u siyaan laamaha Amaanka Kenya.

Gaafwareegga Ciidamadda Kenya ee Xuduuda u dhexeeysa Kenya iyo Soomaaliya ayaa sidoo kale ka qayb qaadatay in ay yaraan Tiradda Ardayda ah ee Al-shabaab ku Biiri jiray sanadihii lasoo dhaafay, sida Wargeeysku ku waramayo.

Dhalinyaradaas Qaarkood waxay ku Biireen garabka Al-shabaab ee Kenya ee Al-eeyman loo yaqaano, iyo Garabka Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale la aaminsanyahay in Qarkood Wali ka barbar Dagaalamaan Al-shabaab, Halka Qaar kalena ay Dalkooda dib ugu laabteen

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.