Madaxweyne Erdogan :-Soomaaliya waxaa ay leedahay Cadow badan oo Xetta ay ku jiraan Dalal Islaam ah..

Madaxweynaha Jamhuuriyadda aanu walalaha nahay ee Turkiga ayaa  ka hadlay Arimaha  Somalia mar u khudbad u jeedinayay Barlamanka Sudan oo uu manta  boqday.

Madaxweyne Ordagan ayaa ugu horeyn sheegay in soomaaliya ay maanta u baahantahay sadex arimood, kuwaas oo mid walba u  muddo isdultaag ku sameeyey.

1-  “Soomaaliya waxa ay leedahay cadow farabadan oo soo jireen ah, kuwaas oo har iyo habeyn ka shaqeeya dibin daabyeynta dowladnimada soomaaliya, waxaana cadowgaas ay soomaaliya leedahay kamid ah qaar kamid ah wadamada islaamka oo isqariya lakiin cadownimada ay soomaaliya u qabaan ay waayadaanba shaac baxsaneyd” ayuu yiri madaxweynaha dalka turkiga.

2- “Cadowga ay soomaaliya leedahay ee aan sheegay waxa kaliya oo ay uga gudbi karaan waa midnimo ay yeeshaan shacabka soomaaliyeed guud ahaa, iyo in ay si dhab ah isu garab taagaan Dowladnimada soomaaliya ka tabaagashay ee uu hormuudka u yahay Madaxweynaha dalkaasi soomaaliya mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo”

3- “Waxaan soomaaliya ka taageernaa dhinacyo kala gadisan oo ay ugu horeyso dib u dhiska ciidankii qaranka oo xerada tababarka ugu weyn ee aan afrika kuleenahay kahirgalinay Magaalada Muqdisho arintaas oo ay nagala shaqeysay dowladda soomaaliya

durba waan dardargalinnay arinkaas inagoo dufcadii u horeysay tababar usoo xirnay, qalabkoodiine waan u dhameystirnay, sidaas ayaana ku wadeynaa tan iyo inta ay soomaaliya markale cagaheeda isaga taageeyso, waana waajib ina saaran inaan gacan qabanno walalaha ugu qaalisan ee aan dunida ku leenahay kuwaas oo ah soomaalida” ayuu hadalkiisa kusoo gunaanaday.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.