Wafdi ka socda Jubbaland oo maanta ku wajahan Beledxaawo oo ay xiisad ka taagan tahay

balad

Wararka ka imaanaya degmada Beledxaawo ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in wafdi ka socda Jubbaland oo uu hoggaaminayo Wasiirka Amniga C/rashiid Janan ayaa maanta lagu wadaa inay gaaraan, si ay ugu kuur galaan xaalada degmada oo maalmihii la soo dhaafay ay xiisad ka jirtay.

Xiisada ka taagneyd degmada ayaa salka ku heysay Ciidamo Kenyan ah oo ka soo gudbay xuduuda, kuwaasoo calaamadeyn iyo burburin ka bilaabay guryaha ku dhow xuduuda, si ay darbi uga dhisaan.

Dadweynaha ku nool Beledxaawo ayaa arrintan ka dhiidhiyay, iyagoo banaan bax rabshado wata ka sameeyay magaalada, waxaana dadka deegaanka ay sheegeen in Kenya ay dooneyso in dhul ka mid ah Beledxaawo ay dhankeeda marsato.

Wasiirka Amniga Jubbaland iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa la filayaa inay la kulmaan maamulka deegaanka, qeybaha kala duwan ee bulshada iyo saraakiisha ciidamada, si ay ugala hadlaan cabashada iyo xaalada ka jirta magaalada.

Wafdiga ayaa sidoo kale la filayaa inay la kulmaan Saraakiisha ciidamada Kenya ee dhanka Mandhera ku sugan.

Ciidamada Kenya ee maalmo ka hor soo galay Beledxaawo ayaa dib ugu laabtay xero Milateri ee ay ku leeyihiin degmada Mandhera.

Kenya ayaa muddooyinkii u dambeeyay waday qorshayaal ay darbi kaga dhiseyso xuduuda u dhaxeeya mandhera iyo Beledxaawo, waxaana arrintan ka dhashay muran, kaddib markii qeybo ka mid ah Beledxaawo ay dhankooda mariyeen.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.