QM oo baaq u dirtay Dowladda Federaalka Soomaaliya

Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa madaxda Dowladda ku booriyay in ay dib u eegista soo socota ee IMF 2018 ay ka dhigaan mid hufan sida tii 2017 ka oo guul muhiim ah ay ka soo gaartay W.Maaliyadda Soomaaliya.

Hey’adda Lacagta Aduunka ee  IMF ayaa qiimeysay waxqabadka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya iyado la raacayo Barnaamijka SMP oo ah kormeer ay sameeyeen shaqaalaheeda taas oo lagu tilmaamay ‘mid lagu qanacsan yahay qaabka maamulka maaliyadeed ee W.Maaliyadda 2017ka.

Warkaan oo lagu shaaciyay Bogga Xasiiska UN ka ee Soomaaliya ayuu Michael Keating ku tilmaamay guul usoo hoyatay Qaranka Soomaaliyeed tilaabadii Wasaaradda Maaliyadda ee aheyid in la hagaajiyo maamulka maaliyadda Soomaaliya.

Wasiirka W.Maaliyadda XFS Dr C/raxmaan Ducaale ayaa horaantii Bishaan Shir uu Nairobi kula yeeshayMasuuliyiin ka socotay Hey’adda Lacagta Aduunka oo shirkoodii kadib ay IMF soo saartay Warbixin ay ku xaqiijineyso Kalsoonida Soomaaliya ee Maaliyadda Dalka

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.