Al-Shabaab oo shan dhalinyaro ah maanta ku toogtay deegaanka Idaale ee gobolka Bay

Ururka Al-Shabaab ayaa meel fagaare ah ee deegaanka Iidaale gelinkii dambe ee maanta ku toogtay shan dhalinyaro ah oo lagu eedeeyay in la shaqeynayeen dowlada Soomaaliya iyo Maraykanka.

Sida ay daabaceen warbaahinta taageerta Al-Shabaab Qaadiga Maxkamada Islaamiga ee gobolada Bay iyo Bakool ugaga wakiil ah ururka Al-Shabaab oo ku dhowaaqay xukunka dhalinyaradan oo isla goobta lagu fuliyay xukunka ayaa yiri;-

“Mahad Cali Xasan wuxuu la shaqeynayay ciidamada Bangarafka ee Maraykanka uu tababaray, halka Jibriil Saalax Xaaji Maxamed uu la shaqeynayay sirdoonka dowladda federaalka, Mahad Cabdi Axmed oo 21 jir ahna wuxuu la shaqeynayay sirdoonka maamulka Jubbaland, Maxamed Cali Aadan oo la shaqeynayay dowladda, halka C/casiis Ibraahim Maxamed uu la shaqeynayay maamulka Koonfur galbeed ee xaruntiisu tahay magaalada Baydhabo.”

Ururka Al-Shabaab oo dagaal hubeysan kula jira dowlada Soomaaliya iyo ciidamada taageera ee AMISOM ayaa hore dil ugu fuliyay rag ay ku eedeeyeen inay yihiin jawaasiis

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.