Madaxweynayaasha Turkiga iyo Suudaan oo kala saxiixday Heshiisyo iskaashi

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan iyo dhiggiisa Suudaan Cumar Xasan Al-Bashiir ayaa magaalada Khartoum ku kala saxiixday heshiisyo iskaashi.

Heshiisyada ay labada Madaxweyne kala saxiixdeen ayaa waxaa ka mid ah Iskaashiga Istiraatiijiyadda, in la aas aaso gole iskaashi oo heer sare ah, kana dhaxeeya labada dal

Waxaa kaloo ay kala saxiixdeen heshiisyo ku saabsan wadaagga ganacsi iyo dhaqaalaha, Iskaashiga Protocolka, Tenoolijiyadda, warshadaha, beeraha, waxbashada, dalxiis.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan ayaa booqasho ku maraya dalal ka mid ah kuwa Afrika, si uu u xoojiyo xiriirka kala dhaxeeya.

Erdogan ayaa waxaa wehliya Wasiiro ka tirsan Xukuumaddiisa iyo illaa 200 oo ganacsato Turki ah oo doonaya inay maalgashi ku sameystaan dalalka Afrika ee booqashada uu ku tagayo.

Dalka Suudaan ayaa ka mid ah dalalka xiriirka dhow ee saaxibtinimo kala dhaxeeya Turkiga

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.