Kenya oo Heegan gelisay Ciidamadeeda ku sugan Xadka Soomaaliya iyo Kenya

Warbaahinta Kenya oo soo xiganaysa saraakiisha amaanka dalkaasi Kenya ayaa sheegaya in ay ku jiraan feejignaan xoogan inta lagu guda jiro maalmaha ciida masiixiyiinta.

Sargaal diiday in magaciisa warbaahinta loo adeegsado ayaa sheegay in ay ka digayaan weeraro suurta gal ah in Al-shabaab ay ka geestaan todobaadyada iidaha kirishtanka magaalooyinka waa weyn ee dalkaasi Kenya sida Nairobi iyo Mombassa.

Ciidamo badan ayaa lagu biiray oo kuwa booliska ah ilaalada xuduudaha labada dal ee Kenya iyo Somalia kuwasi oo loo diyaariyay inay ka hortagaan weeraro Al-shabab kasoo qaadan dhinaca xadka.

Taliyaha booliska dalka Kenya Joseph Boinnet ayaa waqti hore sheegay laamaha amaanka Kenya inay ka war hayaan koox ka tirsan Al-shabaab oo damacsan weeraro qorsheesan inaty ka fuliyaan wadankaasi.

Shacabka Kenyanka ah ayaa lagu wargeliyay feejignaan ay mujinayaan maalhamn krisimiska inta ay u dabaaldagayaan meelaha laga baqdin qabo waxaa kamid ah meelaha lo dukaamaysi tago iyo goobaha lagu qabanayo xafladaha kirismiska.

Kenya ayaa kula dagaalamayso kooxo taagersan Al-shabaab dhinaca keynta ee Boni iyo magaaloyinka dhinaca xeebta dhaca

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.