Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Shir Muhiim ah ka furaya Magaalada Baydhabo

jawaari

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa maanta lagu wadaa inuu tago Magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG Koofur Galbeed,waxaana uu Baydhabo ka furi doonaa Shir u dhexeeya Guddoonka Golaha Shacabka iyo Guddoomiyaasha Golaha Wakiilada Maamul Gobolleedyada.

Shirka ayaa la sheegay inuu socon doono Mudo Labo Maalin ah,waxaana inta uu socdo Diirada lagu saari doonaa wada-shaqeynta Golaha Shacabka Soomaaliya iyo Golaha Wakiilada Maamul Gobolleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dhawaan ayey aheyd markii Khilaaf ku aadan Qabsoomidda Shirkaan uu soo kala dhex galay Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare,waxaana Guddoonka Aqalka sare ay qabaan in Marti-gelinta Shirka Guddoomiyaasha Baarlamaanada Maamul Goboleedyada ay mas’uul ka yihiin Aqalka Sare,Maadaama Aqalka Sare uu Matalo Maamul Gobolleedyada sida ay ku doodayaan

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.