Bandhiga Carwada Buugaagta ee Hiiraan oo Baladweyne Lagu soo Gabagabeyay”Sawiro”

Waxaa Lagu  soo gabagabeyay  Magaalada Baladweyne Bandhiga Carwada Buugaagta Hiiraan Book Fair , kaasoo ah sanadkii labaad oo la qabtay bandhigan, iyadoo ay ka soo qeyb galeen dad kala duwan oo ka yimid dalka gudihiisa iyo dibadiisa.

Bandhigaan ayaa socday  mudo labo  maalmood, waxaana qorayaal Soomaali ay ku soo bandhigayaan buugaagta ay qoreen taas oo siweyn u so jiidatay marti sharafkii goobka jooga ahaa .

Farax Maxamed  Xiirane  oo ah Madaxa Carwada Buugaagta Hiiraan  ayaa ka hadlay ujeedada bandhigan iyo waxyaabaha uu xambaarsan yahay, isagoo xusay in bandhigan uu yahay mid aqoon iyo cilmi lagu kororsan doono, isagoo xusay in Soomaalida oo dhan lala wadaagato wanaag, cilmi iyo aqoon.

Waxaa uu u mahad celiyay dhamaan dadka ka qeyb galaya bandhigan ee ka timid dhulalka Soomaaliyeed, waxaa uu xusay in bandhigan uu tusaale u noqon doono Soomaaliyada cusub mustaqbalkeeda.

Qorayaasha bandhigan lagu casuumay waxaa ka mid ah Abwaan Maxamed Saalax Maare oo dhowr buugaag qoray, waxaana uu soo bandhigay buugiisa  Mugdiga Nolosha ,iyo kuwa kale oo u horay u qoray.

Sidoo kale dadka buugaagta qoray ee bandhigan buugaagtooda lagu soo bandhigayo waxaa ka mid ah Qoraa najax Aadan Farax Iyo Xamdi cabduqaadir maxamed  oo ka kala yimid deganada Puntland Iyo Galmudug . iyo marti sharafbadan oo iyagane ka kala yimid magaalooyin badan oo soomaaliya ah,

Qoraayaal reer Baladweyna ah ayaa iyagane so bandhigay bugaag soo jiitay dadkii ka soqeyb galay Bandhiga buugaagta Hiiraan.waxana bugaagta ay so bandhigeen ka mid ahaa

Buug Layiraahdo Nabadoon waxana qortay Hani maxamuud cabdi

Macalin jaamac Mahad Suuley oo kamid ah qoraaysha reer Baladweyne ayaa so bandhigay Buug uu ugu magac daray Ardayga wanaagsan,

Rowdo Maxamed ibraahin oo Kamid aheyd qoraayaashii reer Baladweyne ayaa dhankeeda qortay Buug lagu magacaabo Baaq u jeedinta Barbaarta Barashada Ku howlan,

Dhamaan dadka ka qeyb galay ayaa ahaa kuwo aad ugu hamuun qabay inay arkaan bandhigan noocaan oo kale ah oo lagu kororsanayo aqoon iyo cilmi, waxaana buugaagta madasha lagu soo bandhigay ku jiray kuwa laga qoray tahriibta iyo dhibaatooyinka ka jiro dalka soomaaliya

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.