Daawo:Wasiirka Cadaalada Jubbaland Adam awhirsi iyo wafti la socoda ayaa gaaray Magaalada Garbaharey ee Gobolka Gedo

awhirsi

Wafdi uu Hogaaminayo Wasiirka Cadaaladda iyo arimaha dastuurka ee Jubbaland Mudane Adam Aw Hirsi ayaa maanta gaaray xarunta Gobolka Gedo ee garbaharay, Wafdiga wasiirka waxaa qeyb ka ah, Wasiiru dowlaha amniga Maxamed Cabdi kaliil, Lataliye sare Sahid Qodhob iyo xubno kale oo ka tirsan wasaaradda wasiirka, waxaana Garoonka diyaaradaha ee degmada kusoo dhaweeyey maamulka Degmada iyo taliyaha guud ee ciidamada dowladda ee Gobolka gedo Korneyl Sanka Cadow.

Wafdiga oo maalmaha soo socda sii joogi doona Garbaharay, ayaa inta ay halkaas joogaan waxa ay dhisi doonaan, Garsoorka Gobolka gedo iyo kan degmooyinka Gobolka.
Waxaa kale oo uu wasiirka xariga kajari doonaa saldhig weyn oo lagu tababari doono ciidamada Booliiska ee Gobolka Gedo.
Dhinaca kale wafdiga wasiirka ayaa inta ay degmada Joogaan waxa ay kulamo la qaadan doonaan qeybaha kala duwan ee Bulshada ku dhaqan degmada Garbaharay ee xarunta gobolka Gedo.
Xuquuqda Sawirada iyo Wariyre Hogaamiye Eid

awhirsi

awhirsi

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.