​​Soomaalida Ohio ayaa soo dhaweeyay Dahir Omar oo u sharaxan Xildhibaan Xaafada 25 ee Columbus Ohio”Sawiro”

usa

Columbus oo ah magaalada labaad ee Soomaalida ugu badan Mareykanka ay ku noolyihiin waxaa markii ugu horeysay ka biloowday isbadal ay samaynayaan aqoonyahano Soomaaliyeed oo doonaya in ay qeyb ka noqdaan Maamulka ama dowladda gobolkan.

Xaafadda 25 ee magaaladan waa xaafada Soomaalidu ku badanyihiin waxaana in mudaa xildhibaan ka ahaa dadyoow kale oo ay Soomaalidu codkooda siin jireen balse xiligan arintaasi waxa ay u muuqataa in Soomaalidu ka gudubtay kadib markii maanta uu Musharax Dahir Ali Omar oo xaafadaasi u ordaya uu la hadlay inbadan oo ka mid ah jaaliyada isaga oo usoo bandhigay hadafkiisa ku aadan xaafada 25 Soomaalidana weydiistay codkooda iyo taageeradooda.

Waxa uu xusay in Soomaalidu ka mid yihiin dadka ugu badan ee ka codeeya xaafaddaasi isla markaana laga qaado canshuur aad ubadan taa badalkeedana loo bahanyahay in Soomaalidu la timaado la xisaabtan iyo ka hortagida mustaqbalka bilaa siyaasada ah ee ku soo wajahan caruurtooda.

Dahir Omar oo Soomaalida iyo Africanka xaflada ka soo qeybgalay la hadlayay waxa uu yiri “Waxa aad la socotaan in maalin walba ay ilmaheenu ku dhintaan Columbus iyo xaafadan, Waxaad ogtihiin in xarumaha dowlada aysan joogin dad na matala, waadaganahay lakin kama muuqano, waan bixinaa canshuurta lakin jawaabteeda oo sax ah ma helo, waxaan ku leenahay hanti badan iyo ganacsi balaaran, maxaa diidaya in ilmaheena aan u furno wadadii ay ku ahaan lahayeen muwaadiniin la mid ah kuwa dalkan isbadalka ku soo kordhiyay isla markaana hela xaquuqdooda siyaasadeed”

Mudadii ay xafladdani socotay waxaa ka hadlay dadyow African ah oo ka kala yimid wadamo badan oo africa ah kuwaas oo ku faraxsan in ay arkaan qof ka yimid africa kana mid ah soo galootiga dhawaan yimid in uu u ordo xaafada 25 iyaga oo booriyay in talaabadan aysan ahayn mid Soomaalida kaliya u hiilinaysa balse ay tahay mid Africanka oo dhan u hiilin doonta.

Gudoomiyayaal ka socday xaafadaha Soomaalidu ku badantahay ayaa ka hadlay xafladan waxayna muujiyeen in Soomaalidu leeyihiin awood qarsoon, muhiimna ay tahay in ay muujiyaan xiligan.

Qaarkamid ah Culumada iyo waxgaradkii ka hadlay xafladan waxay soo qaateen tusaalayaal badan oo ku aadan xaalada Soomaalida gobolkan iyo dowladda taas oo muhiim ah tahay in Soomaalida Ohio ay qaataan kaalintooda si lamid ah Soomaalida Minnesota iyo Washinton.

Waa markii ugu horeysay oo ay Soomaalida gobolkani sameeyaan iskuday midkan oo kalaa lamana saadaalinkaro waxa ay kala kulmi karaan mowjado codad kala duwan oo ay dadbadan u kala taaganyihiin.
uisa

usa

usa

usa

usa

usa

usa

usa

usa

usa

usa

usa

Deeqo Shire (SONNA)
Deeqosonna@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.