Warbixin: Dhacdooyinkii Siyaasadeed Iyo Xasaradihii Dhacay 2017-ka

Sanadkan 2017-ka, waxaa lagu xusuustaa dhacdooyin muhiim ahaa oo ay ka mid yihiin isbadallo siyaasadeed oo dhacay, xiisado colaadeed, dagaallo, heshiisyo, farxad iyo naxdin iyo arrimo kale.

Hadaba,waxaan akhristayaasheena xusuusineysaa dhacdooyinkii ugu muhiimsanaa sanadkan January illaa December 2017.

Bishii January, waxaa dhacay doorashada guddoonka labada aqal ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya, waxaana markii ugu horeysay uu dalku yeeshay Aqalka sare, kaas oo sanadkaan la dareemay jiritaankiisa, ka sokow dhismaha hey’adihiisa, aqalkaan waxaa uu qabtay sharciyo iyo xallinta khilaafaadyo jiray.

February, waxaa lagu xusuustaa isbadal siyaasadeed, waxaa 8-dii bisha madaxweyne loo doortay mudane Maxamed Cabdulahi farmaajo, isla bishaas dhammaadkeeda waxaa uu Farmaajo ra’isul wasaare u doortay Xasan Cali Kheyre oo ka tirsanaa milkiilayaasha Soma Oil and Gas.

March, Waxaa 16-keeda Goor habeen ah, 42 qof oo qaxooti Soomaaliyeed ah lagu dilay xeebaha Yemen, diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah oo Sacuudiga iyo xulafadiisa ah ayaa falkaasi geystay, dowladda federaalka ah illaa hadda kama hadlin.

Isla March 21, 2017: Ra’isul Wasaare Kheyre ayaa magacaabay 68 wasiir, 8 ayaa haween ahaa, waxaa kale oo ku jiray 15 wasiiru dowle, 26 wasiir, 26 ku-xigeen, wasiiradaas 42 Xildhibaanno ahaa., maalmo kadib magacaabista xukuumadda waxaa lagu guuleystay in duulimaad toos oo Muqdisho ka kacay uu ku dago magaalada Nairobi, March 29, 2017, arrintan waxaa ay ka dambeysay is-afgarad dhex-maray labada dal.

April 1-deeda,  waxaa kalsooni heshay xukuumadda Ra’isul wasaare Cali Kheyre, iyada oo si toos ah shaqadeeda u bilowday.

May, waxaa uu dalku galay marxalad cusub,  Bishaas 11-keeda,  xukuumadda waxaa ay meelmarisay qorshaha xasilinta Banaadir, waxaa la sheegay  in dowladda ay howlgelisay 1500 askari.

Dhinaca kale isla May 11, 2017: Shirkii Soomaalida loogu qabtay London, waxaa laga soo saaray heshiis cusub oo lagu badalay barnaamijkii New Deal-ka, qorshahan cusub oo loo bixiyay New Partnership(Heshiiska iskaashiga cusub) waxaa Soomaaliya lagu hagi doona sanadaha soo socda, waxaa kale oo goobta lagu saxiixay National Security Architecture oo dhigaya in la sameeyo 18, 000 oo ciidanka xoogga dalka ah, 4 kun oo ciidamada gaarka ee danab ah iyo 32 kun oo Booliis ah.

Dhacdooyinkii June  ugu muhiimsanaa waxaa ka mid ahaa Madaxweyne Farmaajo oo 4ta bisha ballan-qaaday in uu 3 bil gudahood wax uga qabanayo cadaaladda, illaa iyo hadda waa laga sugayaa, 2 maalin kadib, Dowladda federaalka ah ayaa go’aan ku gaaray in muranka Khaliijka ay dhex-dhexaad ka yihiin, waxayna ku baaqeen in dalalka muransan la dhex-dhexaadiyo, go’aankaasi waxaa warqado ka duwan oo lagu taageerayo xulafada Sacuudiga iyo Imaaraadka soo saaray maamullada Somaliland, Puntland, Koonfur Galbeed iyo Galmudug, waxaana bilowday khilaaf dowladda federaalka ah iyo maamul goboleedyada ah oo illaa iyo hadda aan heshiis cad laga gaarin.

August, waxaa ay aheyd bil kulul, Bishaas 25, 2017, ciidamada dowladda iyo kuwa Mareykanka ayaa 10 qof oo rayid ah ku dilay beer ku taallo deegaanka Bariire, Shabeellada hoose isla bishaas August 27, 2017: Cabdikarim Qalbi-dhagax oo 23kii bishaasi laga soo qabtay gobollada dhexe ayaa loo dhiibay dowladda Itoobiya, in kasta oo golaha shacabka dhiibistiisa sharci-darro ku tilmaamay lama oga waxa xiga, waxaa kale oo bishaas dowladda heshiis la galay  Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur).

September 26, 2017: Maamul goboleedka Galmudug waxaa ka dhacay qalalaase siyaasadeed, Xildhibaanno ayaa sheegay in madaxweynaha Xaaf xilka ka qaadeen, Xildhibaanno kale ayaa guddoomiyaha baarlamaanka casilay, dhinacyo kala duwan ayaa xilalka iska-qaaday, dowladda federaalka ah ayaa la safatay guddoomiyaha baarlamaanka halka maamul goboleedyada ay la safteen madaxweyne Xaaf,  Xildhibaanno federaalka ah oo booqday maamulka ayaa ku guul-dareystay, kadib  is-jiid-jiid dheer oo ceeb dhinacyo badan soo

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.