Sanbaloolshe oo olole xooggan ugu jira sidii uu dib ugu hanan lahaa Kursigiisii Xildhibaanimo

Taliyihii hore NISA ee xilka laga qaaday dhamaadkii bishii October C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa bilaabay olole uu ku doonayo inuu dib ugu hanto kursigiisa Xildhibaannimo ee uu ku waayay magacaabidii xilkii Taliyaha NISA.

Qodobka 59aad ee dastuurka ayaa dhigaya in xubinimada Baarlamaanka lagu lumin karo, hadii xubintu aqbasho xil dowladeed oo aan Wasiir aheyn, taas ayaana sabab u aheyd in Sanbaloolshe uu si toos ku waayo kursigiisa Xildhibaano, markii loo magacaabay Taliyaha NISA bishii April ee sanadkan.

Warar ay heshay Jowhar.com ayaa sheegaya in C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe iyo C/fataax Xasan Afrax ay shalay gelinkii dambe gaareen magaalada Jowhar, halkaasoo lagu wado in dhowaan ay ka dhacdo doorashada kursiga Xildhibaanimo ee Beesha ay ka soo jeedaan.

Sanbaloolshe ayaa loolan kala kulmaya Madaxtooyada Villa Somalia oo la sheegay inay dadaal ugu jirto sidii aanu ugu soo bixi laheyn kursigaas, waxaana Madaxtooyada la sheegay inay wadato siyaasiyiin ku heyb ah oo kula tartamaya kursiga Xildhibaanimo ee Beesha Cali Madaxweyne.

Wararka ayaa sheegaya in Sanbaloolshe uu wado qorshayaal uu ku qancinayo siyaasiyiinta ku heybta ah, si aanu tartan adag ugala kulmin, waxaana uu wadaa dadaalo uu C/fataax Xasan Afrax xil ugu raadinayo.

Sanbaloolshe, C/fataax Xasan Afrax iyo Madaxweyne Waare ayaa xalay kulan gaar ah ku yeeshay Madaxtooyada Hirshabeelle, kulanka ayaa looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin kursiga Xildhibaano ee uu doonayo inuu dib u hanto Sanbaloolshe iyo sidii C/fataax Xasan Afrax loogu magacaabi lahaa Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan ama xil kale.

Sanad ka hor ayay aheyd markii C/llaahi Sanbaloolshe uu ku guuleystay kursiga Xildhibaano ee beeshiisa, kaddib doorasho ka dhacday magaalada Jowhar, hase ahaatee C/fataax Xasan Afrax oo ahaa xilligaas ninka uu loolanka kala kulmayay ayaa laga hor-istaagay inuu tartamo, isagoo ku eedeeyay Madaxweynihii hore Cali C/llaahi Cosoble inuu ciidamo ku dalbaday oo loo diiday inuu galo hoolkii doorashada ka socotay

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.